Hal meel ka baadh buugaagta, oraahyada, authors-ka, iyo mowduucyada.
Waxaa muuqda 10 natiijo oo ku saabsan “Rumi”
“Dillaaca boogtu waa marinka uu nuurku naftaada uga soo duso.”
“Xeesha dhabta ah ee garashadu, waa fahamka wixii is-moogeysiin mudan.”
“Kolka aad gooni-joog noqoto, laabta gasho in Eebbe khalqiga intiisa kale kaa xijaabay; si madashu adiga iyo Mawlahaa uun idiinku soo koobanto.”
“Awooddeenna tan ugu baaxadda culus, waxay ku duugan tahay debecsanaanta iyo diir-nuglaanta laabteenna.”
“Marka aan u xusul-duubto daba-galka waxa aan moodayo in aan u oommanahay, maalmahaygu waxay isu rogaan holac iyo guuxa diiqada; balse haddii aan dhabarka dhigto gogosha samirka, wixii baahidaydu ahayd ayaa iigu soo burqada, iyaga oo dhib iyo diihaal ka caagan. Halkaas ayaan ka dhuuxay; in wixii aan raadinayay ay iyaguna i baadi-goobayaan, i doonayaan, iina soo hanqal-taagayaan. Waa sir culus oo meeshaas ku duugan, ruuxii laxaamaddeeda dhuuxi kara mooyee!.”
“Mahadnaqu waa khamriga ruuxda; ee durduri, oo nafta ku sakhraami dhadhankiisa.”
“Muuqaaga dushu sare ha turjumo dhabta uurkaaga(Guntada hoose); ama uurkaagu ha rumeeyo sawirka aad huwan tahay.”
“Milgaha(Erayada) weedhaada kordhi, balse maya dhawaaqa codkaaga; waayo waa xareedda roobka ta ubaxa biqisa, ee ma aha guuxa onkodka.”