
Jalal ad-Din Muhammad Rumi (1207–1273) wuxuu ahaa caalim, abwaan, iyo mufakir weyn oo Suufi ah, kaas oo suugaantiisu ay adduunka oo dhan saameyn ku yeelatay, gaar ahaan buugiisa caanka ah ee "Masnavi". Wuxuu aaminsanaa in jacaylka rabaaniga ah iyo is-dhiibitaanka ruuxiga ah ay yihiin waddada ugu sarraysa ee lagu gaaro xaqiiqada dhabta ah, isagoo adeegsanaya gabayo iyo xigmad qoto dheer si uu dadka ugu dhiirrigeliyo in ay ka gudbaan is-nacaybka oo ay midoobaan abuurahooda.
8 OraahyoMuuqaaga dushu sare ha turjumo dhabta uurkaaga(Guntada hoose); ama uurkaagu ha rumeeyo sawirka aad huwan tahay.
Mahadnaqu waa khamriga ruuxda; ee durduri, oo nafta ku sakhraami dhadhankiisa.
Milgaha(Erayada) weedhaada kordhi, balse maya dhawaaqa codkaaga; waayo waa xareedda roobka ta ubaxa biqisa, ee ma aha guuxa onkodka.
Awooddeenna tan ugu baaxadda culus, waxay ku duugan tahay debecsanaanta iyo diir-nuglaanta laabteenna.
Kolka aad gooni-joog noqoto, laabta gasho in Eebbe khalqiga intiisa kale kaa xijaabay; si madashu adiga iyo Mawlahaa uun idiinku soo koobanto.
Xeesha dhabta ah ee garashadu, waa fahamka wixii is-moogeysiin mudan.
Dillaaca boogtu waa marinka uu nuurku naftaada uga soo duso.
Marka aan u xusul-duubto daba-galka waxa aan moodayo in aan u oommanahay, maalmahaygu waxay isu rogaan holac iyo guuxa diiqada; balse haddii aan dhabarka dhigto gogosha samirka, wixii baahidaydu ahayd ayaa iigu soo burqada, iyaga oo dhib iyo diihaal ka caagan. Halkaas ayaan ka dhuuxay; in wixii aan raadinayay ay iyaguna i baadi-goobayaan, i doonayaan, iina soo hanqal-taagayaan. Waa sir culus oo meeshaas ku duugan, ruuxii laxaamaddeeda dhuuxi kara mooyee!.