Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Xaaji Haaruun waa caalim Soomaaliyeed oo haysta dhalashada Norway, kana mid ah culimada Soomaaliyeed ee caanka ah. Waxaa lagu yaqaannaa aqoonta iyo wacdinta diinta Islaamka, gaar ahaan cilmiga fiqiga iyo caqiidada Islaamka. Wuxuu ku dhashay sanadihii 1950-yadii meel u dhow magaalada Burco ee Somaliland, wuxuuna kasoo jeedaa qoys caan ku ah diinta iyo cilmiga Islaamka, aabbihii Xaaji Ismaaciil wuxuu ahaa culimada waaweyn ee deegaanka.
17 Xikmadood“Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah inaad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna inaad ka soo horjeesataa waa waajib.”
— Sheikh Mustafa
Xikmado“In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro.”
— Sheikh Mustafa
Xikmado“Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo.”
— Sheikh Mustafa
Qoys“Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah.”
— Sheikh Mustafa
Xikmado“Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo.”
— Sheikh Mustafa
Xikmado“Dadka kuwa ugu hantida badan Aya ah kuwa ugu hurdada yar.”
— Sheikh Mustafa
Xikmado“Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin.”
— Sheikh Mustafa
Xasilooni“Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka horeeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan.”
— Sheikh Mustafa
Xikmado“Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro.”
— Sheikh Mustafa
Xasilooni“Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan.”
— Sheikh Mustafa
Xikmado“Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano, Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo.”
— Sheikh Mustafa
Xikmado“Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya.”
— Sheikh Mustafa
Xasilooni“Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen.”
— Sheikh Mustafa
Xikmado“Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay.”
— Sheikh Mustafa
Xikmado“Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha.”
— Sheikh Mustafa
Xikmado“Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah, qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha.”
— Sheikh Mustafa
Qoys“Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa.”
— Sheikh Mustafa
Xikmado