
Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" (1943–2022) wuxuu ahaa abwaan, mufakir, iyo haldoor weyn oo Soomaaliyeed, kaas oo inta badan loo aqoonsan yahay inuu yahay "Shakespeare-ka Soomaalida" tayada iyo mugga suugaantiisa darteed. Wuxuu si qoto dheer u falanqeeyay dhinacyada nolosha aadanaha, isagoo curiyay maansooyin xambaarsan falsafad culus oo taabanaya jacaylka, nabadda, caddaaladda bulshada, iyo la-dagaallanka keli-talisnimada, sida ku cad tixihiisii caanka ahaa ee "Gudgude", "Sirta Nolosha", iyo doorkiisii hoggaamineed ee silsiladdii "Deelley". Hadraawi wuxuu ahaa codkii dulmanaha oo aaminsanaa in qalinku ka awood badan yahay qoriga, wuxuuna qeybtii dambe ee noloshiisa u istaagay "Socdaalkii Nabadda" isagoo muujiyay in mufakirka dhabta ah uu yahay kan ummaddiisa u iftiimiya waddada is-fahamka, samirka, iyo bini-aadamnimada xilliyada ay adag tahay in rajo la arko.
17 OraahyoNin diiday inaad runtahay, Ku dooday inaa dan jirin, Robow dunidaadan bilan, Dunteeda ma sheegi karo
Muxuu dayax soo mir kacay, Deegaan kale ii furfuray.
Asalkeeda garashada, haka dhigin ogaalkaaga
Markeey dani meeday tiri, Maxaan tala meel ka dayay
Mintid noqo abaabulan, iyo lagama maarmaan.
Maxan dogob beer is iri, Daruuro u soo sasabay, Daryeelka kumaal is idhi, Biyuhu uga sii dareen, Waxaan dag dag jeer ku liqay maxay shishay ii damqeen, kasheyda dugashadeen.
Sadax eray halkii dooni, soddon yaaney kaa qaadan.
Kalasaar run iyo been, kalagaro sir iyo caad, In salaadu weligeed kala tahay sunniyo faral u ogoow sax iyo maan.
Qabrigaygu deyr ma leh, Darbi iyo Astaan ma le, Dugsashiyo ag-joog ma leh, Dunbukh iyo salaan ma leh, Damdam iyo aloos ma leh
Dib u dhacu waxa uu yimaadaa, marka waajib umadi leedahay qof keli ah looga Haro
Hassar wicin qof kaajeeda, Hana sugin qof kaa marmay, Hana sigan mar mooyane
Qalinkaa wax suureeya, Kugu sima halkaad doonto, Saxib kal furan weeye, Sunta fara ku heyntiisa, Weligaa hasii deyn
Ninku siray hafaaleyni, Sababaha haweydiinin, Ha-useeta dheereynin, Hana sidin culeeskiisa, Siriq iyo ku qabo beydo Hana falin(Samayn) siduu yeelay
Ha dhexgalin umuuraha, dadku yuu ku eedayn.
Waxaaan saadir kuu qorin, Ha u suul dhabaaaleenin
Dareenkaga gaar ka ah dadka ha u ga faaloon
Dadku waa addoomoo, Lama siin awoodaha Alle lagaga maarmoo, Kali lagu ahaadee, Ha ilaawin baqashada